Ammaanka degaanada Somaliland oo la adkeeyay

0
676

Ammaanka Magaalooyinka Somaliland ayaa  si weyn loo adkeeyay xuska Munaasabada 18 May awgeed.

Wararka naga gaaraya magaalooyinka Hargeysa ,Burco iyo sidoo kale magaalooyinka Soomaaliland ayaa sheegaya in ammaanka magaalooyinkaas si aad loo adkeeyey.

Ciidanka Ammaanka maamulka Soomaaliland ayaa gaaf wareegaya xaafadaha iyo sidoo kale kontoroolada laga soo galo magaalooyinka Somaliland.

Taliyaasha maamulka Soomaaliland ayaa amar lagu siiyey in ay ammaanka adkeeyaan tan iyo inta lagu guda jiro  munaasabada 18 may oo ah  maalintii ay ka goosteen Soomaaliya inteeda kale.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland ayaa sheegay in dhammaan shacabka Soomaliland ay u dabaal dagayaan 18 may,islamarkaana ammaanka la adkeyn doono inta ay socoto dabaal daga 18 may.