Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Garowe ayaa ka hadlay Shirkii fashilka kusoo dhamaaday ee dhexmaray Madaxda maamul goboleedyadda iyo kuwa dowlada dhexe.
Waxaa uu sheegay in ay nasiib daro weyn tahay in Madaxdii Soomaaliyeed inta ay isku yimaadeen in ay gaari waayeen wax heshiis ah, islamarkaana loo baahan yahay in Golaha Sharci dejinta ay arintaasi soo faragaliyaan.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in ay tahay wax laga xumaado kulankii lagu kala dareeray ee Madaxda maamul goboleedyadda ee ka socday Garowe.
Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in Golaha sharci dejinta ay qeyb ka noqdaan kulamada ay yeelanayaan Madaxda maamul goboleedyadda iyo kuwa dowladda dhexe.