Ciidamada Nabadsugida iyo Malitariga Soomaliya Qaybtooda kahowl gashey galmudug ayaa saaka lawareegay deegaanada caad camaara iyo ceelhuur oo dhamaantood katirsan koonfurta gbolka mudug ,ciidamadaan oo wata gawaraarida dagaalka ayaa Xalay Xili Danbe ka anba baxay cadaado waxayna ciidamadu siimareen deegaano badan oo katirsan galgaduud iyo mudug, qaar kamid ah saraakisha hogaaminaysa howgalka oo diidey in magacood warbaahinta loo adeegsado ayaa Radio Cadaado usheegay ujeedka howlagalkooda inuu yahey sidii ay ay gacanta ugu dhigi lahaayeen deegaanada shabaabku kahaystaan koonfurta mudug gaar ahaana saldhiga ugu wayn shabaab ee koonfurta mudug oo ah dagmada xaradheere, dhinaca qaar kamid dadka deegaanka oo aan laxariiray ayaa ii sheegay inay arkeen ciidamada soogaarey deegaanadaas balsan aysan ogayn ujeedkooda, waxaa sidoo kale deegaanada xalay laga maqlayay guuxa diyaaro dul wareegayay deegaanas kuwaas oo aan la aqoon cida leh
Howlgalkaan ciidamada nabadsugiga iyo malatariga soomaaliya ayaa kusoobeegmay xili lagu guda jiro bisha barakaysan ee ramadaan waxaaana dadka deegaanku cabsi badan kaqabaan inay waxyeelo kasoogaarto dagaalo kadhaca deegaanadooda
Sikastaba ma ahan markii ugu horeysa oo ciidamo katirsan nabadsugida iyo malatariga soomaliya ay gaaraan deegaanada caad camaara iyo ceelhuur oo dhamaantood katirsan koonfurta mudug