Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in caawa halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Ciidamo hubeysan oo taageersan Musharax Cabdinaasir Seeraar iyo Ciidanka Jubbaland.
Ciidankaan oo u abaabul qaab beeleed ayaa waxa ay ka caroodeen dhaawac maanta Askar ilaalo u aheyd Musharax Seeraar loogu geystay garoonka Diyaaraddaha ee Magaalada Kismaayo.
Ammaanka Garoonka Diyaaraddaha ee Magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana halkaasi la geeyay Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Ciidanka Jubbaland.
Qaar ka mid ah waxgaradka Magaalada Kismaayo ayaa wadda dadaallo ku aadan dejinta Xiisadda ka dhalatay dhaawaca maanta loo geystay Ciidanka Musharax Cabdinaasir Seeraar oo horay uga mid ahaa maamulka Jubbaland.