SAWIRRO:-Ciidanka dowladda oo dhaq dhaqaayo ka wada Shabeellaha Hoose

0
816

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo muddooyinkii dambe Howlgallo ka waday deegaano ka tirsan  Gobolka Shabeellada Hoose ayaa la sheegay in ay ku wajahan yihiin deegaanada ay gobolkaasi kaga sugan yihiin Al-Shabaab,sida Awdhiigle, Mubaarak iyo Janaale.

Taliyaha Ciidanka gaarka ah ee Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed  Gashaanle Cabdiraxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar) oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa ka warbixiyey sida Ciidanka Danab ay Al-Shabaab uga saareen deegaanka Bariire iyo sidoo kale Howlgallo kale oo la doonayo in  deegaanada kale looga saaro.

Gaashaanle C/raxmaan Shiikh Cumar ayaa sheegay in ay doonayaan in Shacabka Ku nool Awdheegle, Mubaarak iyo Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay ka dulqaadaan ,isla markaana qorshahaas uu yahay mid xilligaan geba-gabo ah.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa howlgallo ay sameeyeen Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB waxa ay la wareegeen deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose,sida Sabiib Caanoole iyo deegaanka Bariire oo ay horay u heysteen Al-Shabaab.