Diyaarad Lagu Soo Riday Duleedka Tripoli Iyo Duuliyihii Oo Gacanta Lagu Dhigay

0
616

Ciiddanka u daacadda ah Khaliifa Xaftar waxay sheegeen inay soo rideen Diyaarad Dagaal oo ay leedahay Dowladda Liibiya ee ay QM taageerto.

Telefishinka Sky News Arabiya ayaa sheegay in Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Miiraaj F 1ED lagu soo riday Deegaanka Al-hir ee Koonfurta Tripoli, waxayna Ciiddanka Khaliifa Xaftar gacanta ku dhigeen Duuliyihii waday Diyaaradaasi, oo ay sheegeen inuu Ajnabi ahaa.

Diyaaraddan ayaa la soo riday hal maalin kadib, markii uu Khaliifa Xaftar ku amray ciiddankiisa inay cagta mariyaan ciiddanka Dowladda oo uutilmaamay ciiddamo caddow ah.

Bishii April 4-dii ayey Ciiddanka Khaliifa Xaftar waxay bilaabeen hawlgal ay doonayaan inay ku qabsadaan magaalladda Tripoli o oay ku xooggan yihiin ciiddanka Dowladda ay QM aqoonsan tahay.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxay sheegtay in dagaalladaasi lagu dilay in ka badan 430 qof, halka in ka badan 2,000 lagu dilay.