Darawal Mooto Bajaaj oo lagu dilay Muqdisho May 8, 2019

0
619

Dilka darawalka Mooto Bajaajta ayaa Goordhow waxa uu ka dhacay Isgoyska Tarabuunka degmada hodan ee gobolkan Banaadir,waxaana la sheegay in dilkiisa uu ka dambeeyey askari ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in ka hor dilka uu muran xoogan dhexmaray Askariga dilka geystay iyo Darawalka Mooto Bajaajlaha ,intaasi kadibna askari uu dhowr xabadood ku dhuftay Bajaalaha.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta lagu dilay Darawalka Bajaajlaha,waxaana wararka qaar aan heleyno ay sheegayaan in askariga dilka geystay uu goobta ka baxaday.

Waa darawalkii ugu horeeyey ee Bajaale ah oo la dilo tan iyo markii ay curatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan,waxaana labadii sano ee la soo dhaafay Magaalda muqdisho kusoo batay dilalka loo geysanayo Darawalada Mooto Bajaajta,mana jirto askari ilaa iyo hadda Maxkamad loo soo taagay in uu dilay Bajaajle.