Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Maanta kulan yeelanaya

0
685

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah atariikhduna ku beegan tahay  6/5/2019 kulan ku yeelanaya Xaruntooda Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho.

Ajendaha  kulanka Maanta ayaa ah Akhrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Badroolka, kaas oo horay Xildhibaannada Golaha Shacabka u soo marsiiyeen Akhrinta Koowaad,waxaana kulanka Baarlamaanka Goobjoog ka noqon doona mas’uuliyiin ka socda Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyey in Maanta oo Isniin ah kuna beegan 1-da Bisha Ramadaan uu jiro kulan Baarlamaanka,waxaana Xildhibaanada Sabtidii ay doorteen laba xubnood ee ka banaanaa Guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka JFS .

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa inta ay ku guda jiraan kal-fadhiga 5aad waxaa horyaalla Shaqooyin dhowr ah iyo ajendooyin dhowr ah oo u baahan inay ansixiyaan ama qaarkood ay wax ka bedel ku sameeyaan.