Meelo ka mid ah Soomaaliya oo Maanta aan laga soomaneyn

0
672

Maanta waxaa ay ku beegan tahay Maalinta koobaad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan,isla markaana Soomaaliya iyo guud ahaan Caalamka intiisa badan laga sooman yahay,hayeeshee meelo ka mid ah Soomaaliya aan Maanta laga soomaneyn.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug eek u sugan Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in Maanta ay u tahay 30- Shacbaan,isla markaana Berri oo Talaado ah ay u tahay Maalinta Koobaad ee Bisha Ramadaan.

Guddoomiyaha Guddi loo xil saaray xaqiijinta iyo raadinta Bisha Ramadaam Sheekh Cali Nuur Cilmi ayaa sheegay in Maanta aan laga soomeyn deegaannada Galmudug,isla markaana aysan arkin Bisha Ramadaan,sidaasi daraadeedna Maanta ay dhameystirayaan 30-ka Bisha Shacbaan.