Xildhibaano ka hadlay ansixinta Sharciga doorashooyinka iyo kan Axsaabta

0
674

Duhurnimadii Maanta ayaa Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya waxa ay ansixiyeen Sharciga doorashooyinka iyo Sharciga Axsaabta Siyaasadda oo Dib-u-eegis lagu sameeyay,waxaana tallaabadaas soo dhaweeyey Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey ansixinta Sharciyadaas ee Golaha Wasiirada Soomaaliya,waxaana uu sheegay in dhawaan loo gudin doono Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Waa tallaabo mudan soo dhoweyn In Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay maantay Ansixiyeen Sharciga Doorashooyinka iyo Sharciga Axsaabta Siyaasadda oo Dib-u-eegis lagu sameeyay. Waxaan rajaynaynaa In sida ugu dhaqsaha badan loogu Soo gudbin doono golayaasha barlamaanka, ayadoo ay tahay In sharciga dooashooyinku uu yahay mid waafaqsan dastuurka dalka.

Tallaabadaan Maanta Golaha Wasiirada Soomaaliya ay ku ansixiyeen Sharciga doorashooyinka iyo kan Axsaabta ayaa la sheegay in uu yahay mid loogga hordhacayo shirka Madaxda Dowladda iyo kuwa Dowlad goboleedyada horaanta todobaadka soo socda ku yeelanayaan Magalada Garoowe.