Tababarkan oo u badnaa wacyagelin iyo aqoon kororsi sida looga hartagi karo nabaad guurka dalka iyo kheyraadka dhirtaba guud ahaan ayaa waxa lagu qabatay Magalada muqdisho, waxana kasoo Qeyb galay Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta Iyo Daaqa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Qubaro Aqoonyahano ah, haweenka ka ganacsada dhuxusha, Odiyaayaal iyo marti sharaf kale/
Ugu danbeyntii Tababarka waxaa Soo Xeray Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xolaha Dhirta Iyo Daaqa Mudane Xuseen Maxamuud Sh. Xussen Kula Dardaarmay Bulshadda Soomaliyeed In ay ilaaliyaan, Kana hortagaan Xaalufinta Dhirta ee loo isticmaalaayo dhuxusha taasoo hadii ay sii socotana sababi Karta dhibaatooyin nabaad-guurka dalka ah Sida Duufaano fatahaadyo iyo abaara Daba Dheeraada.
Waxuuna balan qaaday Wasiirka in ay Kordhin donaan sanadkaan qeybinta Jikooyinka gaas ayadoo Wasaaradu sanadkii tagay 2018-ka gaarsiisay Gobolka Banaadir jikooyin ilaa 600 qoys ka faideysteen, qorshana uu sii socon doono ilaaay bulshadu garawsato isticmaalka gaaska, iloodana midaan Isticmaalka Dhuxusha ah ee nabaad-guurka dhalisay.