Kulankaas Golaha Aqalka Sare waxaa uga qeyb galay Senator Muna Cumar Xasan iyadoo kulan uu ahaa Aqoon kororsi looga hadlayay Doorka Haweenka Iyo siyaasada. Senatorada ayaa ka warbixisay Qodabada ugu muhim sanaa ee kulanka looga hadlay oo kala ahaa:-
- In Dumarka laga qeyb galiyo siyaasadda iyo Doorka ay Haweenka ku leeyihin siyaasada.
- In Dumarka ay iscaawiyaan.
- In Dumarka la taageero.
Sidookale Senator Muna inta ay joogtay Gobolka Mennisota ee Magaaalada New-York waxaay kulamo kala duwan la qaadatay Mayorka Minnesota, iyo Xildhibaanada kala ah Cabdi warsame iyo Xildhibaan Hodan Xasan kana mid ahna xildhibaanada laga soo xulay dalka mareynkanka.
Senator Muna Cumar Xasan ayaa kulan la qaadatay jaaliyada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota iyagoo ka wada hadlay xaalada nololeed ee ku noolyihin dhalinyarada soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalkaas iyo dhalinyarada dilalka loo geysto.