Rag loo heysto kufsigii iyo dilkii Caaisho oo la Maxkamadeynayo

0
664

War kasoo baxay Xeer ilaaliyaha guud ee Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan ayaa lagu sheegay in dhawaan la bilaabi doono Maxkamadeynta rag loo heysto kufsigii iyo dilkii Caaisho ilyaas loogu geystay Magalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in sababta ay waqti badan u qaadatay in aan Maxkamada la horkeenin dadka loo heysto falkaas ay tahay ha’yadaha dambi baarista iyo mid dhanka dhiigga hidde-sidaha ah oo waday howlo baaritaano ah.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Baarista kiiskaas iyo qalabkii la marsiin lahaa aysan oolin Puntland sidaas daraadeedna loo diray dalka dibadiisa,isla markaana todobaad ka hor jawaabta baaritaanka ay soo gaartay dhawaana la qaadi doono dacwada kiiskaas.

Ilaa 10 ruux ayuu sheegay in loo haayo kiiskaas sigaar ahna eeda ay igu socoto Saddex ruux oo la baarayo,waxaana uu sheegay Xeer ilaaliyaha guud ee Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan in uu rajeynayo in dhawaan la soo geba-gabeeyo kiiskaas.

Falka kufsiga iyo dilka ah ayaa Bishii Febraayo ee sanadkan loogu geystay  magaalada Gaalkacyo Gabar 12 jir aheyd oo lagu Magacaabi jirey Caaisho Ilyaas Aadan taas oo qoyskeeda todobaad ka hor sababo amni iyo cadaalad darro uga guureen Magalada Gaalkacyo