Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha bulshada lagu faafiyey Warar sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu aqbalay codsi ahaa in la bedelo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Hayeeshee Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa wararkaas waxa uu ku tilmaamey kuwo been abuur ah oo aan waxba ka jirin.
Qoraal kooban oo uu soo dhigey Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Wararkaas uusan aheyn mid sal iyo raad midna leh,isaga oo u soo jeediyey inay Raali gelin bixiso mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho oo warkasi baahisay.
“Warkani sal iyo raad malaha, waxaana looga fadhiyaa Idaacadi baahisey in ay shacabka ka raalli geliyaan been abuurkan baalka marsan dhaqanka suubban iyo hufnaanta xogaha bulshada lala wadaagayo ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre u Magacaabey xilkaas waxa uu sheegay in ay afarta sano isla dhameysan doonaan, iyada oo laba sano oo ka mid ah ay khilaaf la’aan wadashaqeeyeen.