Maareeyihii Tiyaatarka Qaranka oo ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyey

0
634

Duhurnimadii Maanta ayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle waxa uu xilkii ka qaadey Maareeyihii Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure.

Xilka qaadista lagu sameeyey ayaa Abwaan guuro uu ka hadlay,waxaana uu  sheegay in uu aqbalay xilka qaadista lagu sameeyey,isla markaana xilka uu yahay meerto.

Abwaan Guure ayaa haatan safar dibada ah dalka uga maqan,isagaa oo  ku sugan dalka Turkiga,Waxaana uu sidoo sheegay in markii uu dalka ksuoo laabto uu xilka wareejin doono.

Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka ayaa waxaa isla Maanta loo Magacaabey Wariye Maxamed Abuukar Axmed Ma’da oo ka tirsan Warbaahinta Dowladda.