Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Jubaland ay weerareen degmada Xagar ee gobolkaasi, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Ciidamada weerarka ku qaaday degmada Xagar ayaa ka soo kicitimay dhanka degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Ilaa hadda sida la xaqiijiyay laba qof ayaa ku dhaawacmay weerarka, khasaare dhimasho wali na looma xaqiijinin.
Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada Jubbaland ee weeraray Degmada Xagar ay dib ugu soo laabteen dhanka Afmadow, waxaana wararku intaas ku darayaan in ciidankaas jidka ay u galeen rag loo malaynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, halkaasna uu ka dhacay dagaal, ilaa iyo haddana aan faahfahain buuxda laga haynin.