Sheekh Shariif iyo Mas’uuliyiinta Xisbigiisa oo la kulmay Safiirka Kenya

0
741

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xubno ka mid ah Xisbigiisa ayaa Maanta waxaa ay Magalada Muqdisho kula kulmeen Safiirka Kenya u jooga Somalia Ambassador Lucas Tumbo.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga hadleen xaalada dalka, iyaga oo Safiirka Kenya ee soomaaliya ay u gudbiyeen dhaq dhaqaaqyada Xisbiga Himilo uu xilligaan ka wado Gudaha Soomaaliya.

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Magalada Muqdisho waxa uu waday kulamo kala duwan,waxana xalay uu la kulmay Madaxda ugu sareysa Maamulka Hir-Shabeelle.