Senator Samsam Daahir oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaliya iyo dowlad goboleedyadda ugu baaqday in si deg deg ah gacanta loogu soo dhigo Kooxaha Kufsiga u geysta Haweenka.
Waxaa ay sheegtay in ay diyaarinayaan Sharciga Ciqaab adag lagu marsiin doono dadka dhibaateeya Dumarka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka geysta Kufsiga.
Xildhibaanada ayaa xustay in hadal oo maalin walba la sheego in uusan waxba ka tari doonin dhibaatada loo geysto dumarka Soomaaliyeed , laakiin loo baahan yahay ficil ay la yimaddaan Bulshadda Soomaaliyeed iyo Hay’addaha Ammaanka.
Waxa ay tilmaamtay in ay waddaan dadaallo kala duwan oo ay ku doonayaan in wacyigalin loo sameeyo bulshadda Soomaaliyeed si loo yareeyo dhibaatadda bulshadda.
Hadalka Xildhibaanada ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii ugu dambeeyay falal kufsi ah oo naxdi badan laga soo sheegay degaano ka mid ah maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.