Magalada Muqdisho waxaa haatan ka socota qaban qaabo la doonayo in lagu soo dhaweeyo Madaxweynihii hore ee soomaaliya ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran sheikh Shariif Sheekh Axmed.
Xildhibaano ka mid ah xisbigiisa, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa haatan waxa ay ku sugan yihiin Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo doonaya inay ka qeyb qaataan soo dhaweyntiisa.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in u jeedka safarkiisa Muqdisho uu yahay Shirweyne uu Xisbiga Himilo Qaran ku qabanayo Muqdisho, kaasoo lagu dhisayo xubnaha Golaha Fulinta Xisbigaas oo ka mid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee ka jira dalka.
Dhinaca kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay qorshe u dejisay soo dhaweyntiisa,isla markaana ay ka qeyb geli doonaan Xubno isugu jira Xildhibaano iyo wasiiro sidoo kalena uu la kulmi doono Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare kheyre.