Ujeedada booqashada wafdigaas ayaa lagu sheegay inay tahay sidii Maraykanka loogu qancin lahaa in Sudan laga saaro liiska dalalka argagaxisada taageera.
Hogaamiyaha milatariga ah ee dalka Sudan Janaraal Cabdifatxaax Al Burhaan ayaa waraysigii ugu horeeyay ee lala yeesho waxa uu ku sheegay, in wafdiga uu ambabxi doono todobaadkan amma todobaaka dambe.
Al Burhaan ayaa sidaas u sheegay tilifishanka dowladda sudan.
Dowladda Maraykanka ayaa sannadkii 1993kii ku dartay dalka sudan liiska dalalka taageera argagaxisda iyada oo arrintaasi lagu eedeeyay madaxweynihii talada laga qaaday ee Cumar Xasan al Bashiir.