Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow waxa ay u dhoofeen Magalada Qaahira ee dalka Masar.
Safarkaan oo ahaa mid deg deg ah oo aan horay loo sii shaacin ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada muqdisho Madaxweynaah iyo wafdigiisa kasii sagootiyey Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxtooyada Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin safarka deg dega ah ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmnaajo uu ugu ambabaxay dalka Masar,hayeeshee waxaa dalkaasi uga sii horeeyey oo maalmahaan ku sugan Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.