Ilmo yar oo laga xaday Isbitaalka Soos oo la helay

0
659

Sidda ay Idaacadda radio cadaado ay u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Eheladda Qoyskii looga xaday canuga yar cisbitaalka SOS galabtii Jimcaha Ciidanka Booliska ayaa ku guuleystay in ay soo qabtaan Haweenay la sheegay in ay xaday Cunuga yar.

Mas’uul ka tirsan maamulka degmada Hilwaa ayaa radio cadaado u sheegay in Ciidanka Ammaanka ay xireen dhowr qof oo lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen falkaan, islamarkaana la geeyay xarunta Ciidanka Booliska ee dambi baarista.

Cunuga yar ayaa la sheegay in uu Caafimaad qabo, islamarkaana lagu guuleystay in lagu wareejiyo Hooyadii dhashay.

Hooyo Naciimo Maxamed oo ah Hooyada laga xaday ilmaha yar ee lagu dhex xaday Isbitaalka Soos ayaa xaalad aan wanaagsaneyn ku jirtay, kadib markii ay si wayn kaga naxday ilmihii ugu horeeyay ee ay dhashay oo laga xaday.