Dhagayso;-Duqa Degmada Cadaado Oo Kadayriyay Xaalada Nololeed Ee Deeganada Hoostaga Caddado Baaqna u Diray Hay,adaha Gargaarka

0
924

Abdullahi C,raxmaan Xuseen Tootoole Guddoomiyaha Degmada Cadaado Oo Maanta War-Fadiyeenka Kula Hadlayey Xaafiiskiisa Ayaa Ka Hadlay Xaaladda abaareed EeWaqtiga Ka Taagan Degmada Cadaado Iyo Deegaanada Hoos Yimaada.

 

Guddoomiye Tootoole Waxa Uu Xusay In Hadda Xaalad Adag Ay Ku Sugan Dadka Ku Dhaqan Cadaado Iyo Deegaanada Hos Yimaada Gaar Ahaana Dadka Reer Guuraahga Ah Kuwaas Oo Uu Sheegay in Hadda Ay Wajaayaan Xaalad Adag Oo Dhinaca Nolosha Ah.

 

Sidoo Kale Guddoomiyuhu Waxa Uu Carrabka Ku Dhuftay In Xilligan La Joogo Wqatigii La Sugi Jiray Roobka Gu’ga Balse Aanan Weli Laheyn Xaaladduna Ay Kasii Dari Karto Haddey Sidan Sii Ahaato.

 

Dhanka Kale Guddoomiye Tootoole Waxa Uu Baaq U Jeediyey Hay’adaha Samafalka Iyo Cid Kasta Oo Wax U Qaban Karta Dadka baartu Saameysay Ee Ku Dhaqan Magaalada Cadaado Iyo Deegaanada Hoos Yimaada.

 

Sidoo Kale Guddoomiyuhu Waxa Uu Tilmaamay In Xaaladdu Qatar Noqon Karto Waa Haddii Aanan Wax Roob Ah La Helin Inta Ka Dhiman Bishan Hay’adaha Samafalka Ah Ayuuna Ka Dalbaday In Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan Ay Gar-Gaar Ula Soo Gaaraan Dadka Abaartu Saameysay.

 

Inta Badan Deegaanada Maamulka Gal-Mudug Weli Waxaa Ka Jira Abaar Aad U Daran Iyo Kuleyl Isbiirsady Kuwaas OO Sameyn Ku Yeeshay Inta Badan Nolosha Dadka Reer Guraaga Ah.

 

Halkaan kadhagayso codka gudoomiya dag,cadado cabdulahi tootole