Xaalad jahwareer ah oo ka taagan dalka Suudaan

0
485

Magalada Khartuum ee dalka suudaan waxaa weli ka socda banaanbax ay dhigayaan Boqolaal Shacab ah,waxaana Ciidamada dalkaasi ay qaarkood banaanbaxayaasha ku kala eryeen sunta dadka ka ilimeeysiisa.

Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay dalbanayaan in uu xilka ka dego Madaxweynaha dalkaas Cumar Xasan Al-Bashiir,iyada oo cadaadis xoogan ay dhinacyo farabadan uga imaanayaan.

 

Dad badan ayaa dibadbaxyo maalinkii labaad ka dhigayay afaafka hore ee saldhigga ciidammada militariga ee ku yaalla Khartuum.

Wararka qaar ay tebinayeen Warbaahinta dalkaas ayaa waxaa ay sheegayaan in qaar ka mid ah Ciidamada Millateriga ay u gurmadeen banaanbaxayaasha oo ay ishor-fadhiyaan Ciidamada Ammaanka dalkaas,isla markaana la dejiyey Xarumo ay leeyihiin Ciidanka Badda dalka suudan.

Dadka dibadbaxa dhigaya ayaa Ciidamada ka dalbanaya inay kusoo biiraan,isla markaana ay ka qeyb qaataan sidii xukunka looga tuuri lahaa Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.