SAWIRO:- Shirka Afhayeenada Goleyaasha Sharci dejinta oo ka furmay Garoowe

0
518

Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa Goordhow ka furmay Shirka Afhayeenada Goleyaasha Sharci dejinta dowladda iyo Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

Waxaa Garoowe ku sugan oo shirka ka qeyb galaya guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Hir-Shabeelle,waxaana ka maqan guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Shirkan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa looga hadlaa wadashaqeynta ka dhaxeysa golayaasha sharci-dajinta heer Federaal iyo heer maamul goboleed iyo sidii qorshe cad looga yeelan lahaa shaqooyinka ka dhexeeya dhinacyadan.

Sababaha looga reebay shirkaas Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxda Galmudug ee ku sugan Dhuusamareeb ay sheegeen in Guddoomiye Cali Gacal Casir uusan metelin kana qeyb geli karin shirkaas.

Shirka Afhayeenada Goleyaasha Sharci dejinta oo socon doona mudo Saddex cisho ah ayaa la filayaa in geba-gabada laga soo saaro Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii looga hadlay.