DEG DEG: Kulanka Golaha Shacabka oo Saxaafadda Banaanka looga saaray

0
498

Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa soo jeediyay in banaanka looga saaro Wariyeyaasha kulanka Golaha Shacabka ee looga hadlaayo Ammaanka ee ka socda xarunta Golaha Shacabka.

Buuq iyo Sawaxan ayaa ka dhashay, waxaana ugu dambeyntii Gudoomiyaha uu sheegay in loo baahan yahay in cod loo qaado.

 

104 Xildhibaan ayaa u codeysay inay baxaan, halka 42 ay u codeeyeen inay joogaan, siddaas ayaana warbaahinta banaanka looga saaray kulanka Golaha Shacabka.