Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta Kulan ku leh Muqdisho

0
1113

Xidhibaannada  Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulan ku leeyihiin xarunta Golaha shacabka ee Muqdisho.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka  Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inuu  khudbad u jeediyo  xildhibaanada Golaha Shacabka.

Hadal jeedinta Guddoomiyaha ayaa ka dambeysay kadib markii  inta badan aysan soo xaadirin kulankii Xildhibaannadda ee maalmihii ugu dambeeyay.

Sidoo kale Ajandaha kulanka  ayaa  maanta ah in warbixin laga dhageysto Guddiga dib u eegista dastuurka.

Amaanka wadooyinka Soo gala xarunta Golaha shacabka oo aad loo adkeeyay.