Gaari Qarax sidda oo ku jira Muqdisho

0
677

Zakiya Xuseen Axmed Taliye Ku Xigeenka ciidamadda Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegtay in Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ay xaqiijiyeen Gawaari Qaraxyo sidda in ay ku jiraan Gudaha Magaalada Muqdisho.

Waxa ay sheegtay gaari Barado ah oo sidda waxyaabaha Qarxa in uu ku jiro Magaalada Muqdisho.

 

Taliyaha ayaa xustay in ay kusoo wargaliyaan Shacabka hadii ay arkaan gaari Barado ah oo ay ka shakiyaan.

Ciidanka Booliska ayaa soo bandhigay Sawirka gaariga, waxaana ay sheegeen in ay dadaal ugu jiraan in lasoo qabto ka hor inta uusan qarxin.