Spain Oo Britain Kala Wareegtay Taliska Hawlgalka EU-Da Ee La-Dagaalanka Burcad-Badeeda Soomaalida

0
728

Ciiddanka Badda ee dalka Spain waxay shalay si rasmi ahaan ula wareegeen Taliska Hawlgalka Midowga Europe ee “Operation Atalanta” ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia, xilli ay Dowladda Britain qorsheynayso inay isaga baxaan Ururka Midowga Europe ee EU-da.

Munaasbadda xil-kala-wareegista ayaa waxaa lagu qabtay Saldhigga Ciiddanka Badda Spain ku leeyihiin magaalladda Rota ee Koonfurta Spain, halkaasi oo ay Ciiddamo Maraykan ah ku leeyihiin saldhig.

Munaasbadaasi ayaa dhacday maalinta sida rsamiga loo qorsheeyey inay Dowladda Britain isaga baxaan Ururka EU-da, iyadoo Admiral-xigeenka Ciiddanka Badda Spain, Antonio Martorel kala wareegay Jeneral u dhashay Britain  o olagu magacaabo Charlie Strickland Taliska Ciiddanka Hawlgalka Operation Atalanta.

Golaha Europe waxay bishii July ee sannadkii hore sheegeen inay Xarunta Dhexe ee Hawlgalka  Atalanta Operation oo ku taalla  Deegaanka Northwood ee duleedka  magaalladda London oo ay ka hawlgalaan 101 shaqaale, loo soo wareejin doono  Saldhigga Cuiiddanka Badda dalka  Spain ee ku yaalla magaalladaRota ee Koonfurta dalkaasi.

Sidoo kale, Xarunta EU-da ee  Ammaanka Baddaha ee Afrika oo horey Saldhig u ahayd Deegaanka Northwood ee dalka Britain loo soo wareejiyey Saldhigga Ciiddanka Badda ee Brest ee dalka Faransiiska.

Hawlgalka Midowga Europe ee Operation Atalanta waxaa la asaasay sannadkii 2008-dii, si ay ula dagaalamaan Burcad-baddeeda ka qowleysata Baddaha Somalia.

Hawlgalkaasi waxaa  muddo-hawleedkiisa k uekaan doonaa sannadka soo socda ee 2020-ka, iyadoo la siiyey Miisaaniyad lacageed dhan 12 million oo EURO ay adeegsan doonaan sannadaha 2019-ka ilaa 2020-ka.

Xigasho: EN NAVFOR.