Akhriso:-Isbaddel Cusub Oo Lagu Sameeyay Hogaanka Ciidanka Xoogga Dalka Somalia

0
690

Isbaddelkaan oo  lagu sameeyay qeybo ka mid ah hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa loogu talo galay dar dar-gelinta Howlaha Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed oo ahaa u qeybsanihii Milateriga ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga, loo magacaabay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka. Sidoo kale Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Raage, ayaa isna loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta, halka  General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka lugta.

Isbedalkan lagu sameeyey qeybo kamid ah Hogaanka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale Admiral Guuto Cabaas Amiin Cali  loogu magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya.