Sheekh Caan ah oo ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay Muqdisho

0
733

Waxaa isasoo taraya khasaaraha  dhimasho iyo midka dhaawac ee uu geystay qarax gari loo adeegsay oo ka dhacay maqaayad u dhow Hotelka Wehliye ee Magaalada Muqdisho.

Warar haatan soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa Maanta uu ku dhaawacmay Shiikh Yuusuf Cali Caynte oo ka mid ah guddoomiyaha ururka islaamiga ah ee Majmaca Islaamka.

Sheekha ayaa la sheegay in xilliga qaraxa uu dhacayay uu goobta ku sugnaa,waxaana qaraxa sidoo kale uu geystay khasaaro dhimasho mid dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Shiikh Yuusuf Cali Caynte ayaa ah Aabaha Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.