Dowladda oo ka hadashay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

0
661

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay Qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee ay ku dhinteen ku dhawaad 20 qof.

Madaxda Qaranka ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhinty Qaraxaasi waxaana sheegeen in tilaabo ay qaadi doonaan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in dowladdu dadaal ugu jirto sugidda amniga, isagoo bulshada Soomaaliyeedna ku boorriyay in ay u midoobaan la dagaalanka Al Shabaab.

Inta la xaqiijiyey ilaa 18 Ruux ayaa geeriyootay 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii qarax loo adeegsaday gaari uu ka dhacay Maqaayad ku taalla meel u dhow Hotelka Wehliye ee Wadada Maka Almukarama ee Magaalada Muqdisho.