Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in doorasho qof iyo Cod ah ay ka bilaabi doonaan degmooyin ka mid ah maamulka Puntland si dadka shacabka ah ay u doortaan Golaha degaanka Degmooyinka iyo Duqa Magaalada.
Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa sheegay in saddex degmo oo Puntland ka tirsan si tijaabo ah doorasho qof iyo cod ah looga samayn doono dhammaadka sannadkan 2019.
Mudane Dhabancad ayaa sheegay in haddii tijaabadaasi guulaysato dhammaan degmooyinka Puntland sannadka soo socda laga qaban doono doorashooyinka golayaasha degaanka oo loogu tartami doono nidaamka qof iyo cod.
U jeedadka ugu weyn ayuu sheegay in ay tahay in dadka Shacabka ay isku dayaan in ay soo doortaan maamulka Hoggaamin doona, islamarkaana ay horudhac u tahay doorashadda Guud ee Puntland ee Shan sano ka dib.