Madaxweynaha Puntland oo safarkiisii ugu horeeyey uga baxaya Garoowe

0
637

Wararka laga helayo Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxa ay ku waramayaan in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland la filayo in Maalinta berito ah uu safar ku tago Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Sidiid Cabdillaahi Deni ayaa safarkiisii ugu horeeyey ku tegaya Boosaaso tan iyo markii xilka Madaxweynaha Puntland loogu doortay Magalada Garoowe ee Gobolka Nugaal 8-dii Jannaayo ee sannadkan 2019.

Madaxweynbe Siciid Deni ayaa socdaalkiisa waxa uu markii hore ku tegi doonaa Magalada Khardho ee Xarunta Gobolka Karkaar Puntland,I saga oo usii gudbi doona Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Ujeedada socdaalka Madaxweynaha Puntland uu berito ku tagayo Magalada Boosaaso ayaa lagu sheegay in uu kuurgalayo xaalada Amni iyo tan nololeed, iyada oo Magalada Boosaaso ay ka mid tahay degmooyinka ugu amniga xun Puntland.