Muuse Biixi”Waxaa la joogaa waqtigii loo kala guuri lahaa Soomaaliya & Soomaaliland”

0
611

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta khudbadiisa sanadlaha waxa uu ka horjeediyey Golaha Wakiilada Soomaaliland,isaga oo kaga hadlay arrimaha Siyaasada, horumarada iyo waxyaabaha u qabsoomay.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay arrimaha la xiriira wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa waxa uu sheegay in dhowr mar ay la soo xiriireen Dowladaha Sweden iyo Switzerland si ay u wada hadlaan Soomaaliya iyo Soomaaliland,isla markaana ay aqbaleen.

Waxa muuqata in caalamka badankiisu garwaaqsaday in la joogo wakhtigii la kala guri lahaa Somaliland iyo Soomaaliya. Annagu Xukuumad ahaan waxaannu qaadanay siyaasadda ah in mushkiladda loo galo si nabad ah oo lagu dhammeeyo wadahadal iyo nabad-gelyo. Mar walba waxaannu ka fogaanaynaa wixii keeni kara xasarad iyo colaado hor-leh, maadaama Somaliland ay waayo-arag u tahay riiqda colaadaha.

Si kastaba waxaa dhowr mar uu fashil ku yimid wadahadalo la doonayay in ay dhex maraan Dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland, hayeeshee dhawaan la rajeynayo inay wadahadaladaas qabsoomaan.