Kulan ay Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose ku yeesheen Xildhibaanada Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay ku ansixiyeen Xubnaha guddiga madaxa banaan ee xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.
Guddigaas oo ka kooban 7 xubnood ayaa waxaa xalay Magacaabay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe)
Dood dheer kadib Xildhibaanada Jubbaland ayaa cod gacan taag ah waxa ay ku ansixiyeen guddiga oo ka kooban 7 Xubnood, kuwaas oo uu sheegay Madaxweyne Axmed Madoobe in loo Magacaabay sababo la xiriira baahi loo qabay.
Guddigaan ayaa Maalmaha soo socda waxa ay guda geli doonaan Shaqooyinkooda ku aadan arrimaha Xaduudaha Jubbaland iyo diyaarinta doorashooyinka la filayo in Bisha soo socota ee Agoosto ay ka dhacaan Magalada Kismaayo.