Munaasabadan oo aheed mid si,weyn ay usoo agaasinta Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Hiirshabeelle ayaa ujeedkeedu xuska maalinta Biyaha oo ku asteesan 22 march oo manta kale laxuso waxana kuso qeb galay qaarka mid ah Bulshada Reer Jowhar maamulka Degmada Jowhar kan Gobalka Sh Dhexe xubno katirsan Labada Gole Ee Hirshabelle
Marti sharafta kala duwan Ee munaasabada lagu casuumay ayaa siyaabo kala duwan ugu hadlay baahiyaha Biyo la,aaned iminka kajirta Deegaano iyo Tuulooyin hoosyimaada magaalada Jowhar
Wasiir ku xigenka wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyha Hirshabelle Cabdiladhiif maxamuud ayaa shegay inay si,dhaw ula socdaan biyo l,aannta ka jirta Degaanada Hoosyimaada magaalada Jowhar
Dhanka kale wasiirka wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Hirshabelle Shuceeb Cabdi kariin ayaa ubalan qaaday Bulshada Reer Jowhar inay wasaaradiisu ay ku dadaalidoonto sidii looga bixi laha baahiyaha biyo la,aaneed ay soo gudbiyeen Shacabka Reer Jowhar iyo marti shafta kale ee munaasabada lagu Cazuumay