Qaar ka mid ah dadkii lagu dilay weerarkii dalka New Zealand oo la aasay

0
606

Munaasabad iskugu jirtay duco iyo salaadda Jimce ayaa todobo beri kadib lagu qabtey afaafka  hore ee masaajidkii lagu laayey dad Musliim ah magaalda Christchurch ee dalka New Zealand.

Dadka munaasabadda kasoo qeybgalay waxaa ka mid ah ra’iisul wasaarhaa dalka New Zealand iyo madaxda dalkaasi qaarkood. Waxaa kulankaan maanta kadib loo dareeray aaska dadkii ku geeriyoodey toogashadii ka dhacdey 2 Masaajid oo lagu weeraray magaladasi.

Muslimiinta wadanka ayaa si weyn uga mahadceliyey sida dadka reer New Zealand ay uga fal celiyeen dhacdan.

Weerarkii Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay magaalda Christchurch ee dalka New Zealand ayaa waxaa aad uga carooday inta badan wadamada Islaamka,waxaana xusid mudan in aad loo adkeeyey ammaanka Masajidyada ku yaalla wadamada Reer Galbeedka.