Galmudug oo faahfaahisay dhismaha Wasaaraddaha

0
633

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in si dardar ah Magaalada Dhuusamareeb ay kaga socdaan dhismaha Wasaaraddaha kala duwan ee maamulka Galmudug tan iyo markii maamulka uu kasoo guuray degmada Cadaado.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in Wasaaraddaha Galmudug qaarkood dhawaan xariga laga jari doono, islamarkaana hadda ay jiraan kuwo la dhagax dhigay oo Hay’addo kala duwan ay ka taageerayaan.

Madaxa Xukumadda Galmudug Shiekh Mohemad Shakir Ali Hassan Wasiirka dib uhishiisiinta iyo Federalka Galmudug Saalax Abdullahi Mohemad ayaa si wadajir ah udhagax dhigay Wasaarada dib uhishisiinta iyo Federalka ee Dowlad Goboleedka Galmudug

Dhagax-dhiga Wasaarada ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro iyo xildhibaano katirsan Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxa Xukumadda Galmudug Shiekh Mohemad Shakir ayaa kalhore dhagax-dhigay qaar kamida Wasaaradaha Galmudug kuwaas dhismahooda ladhameeyay hadana ay ku shaqeeyaan Wasaaradihii loo diyaariyay.