Ciidamada AMISOM Oo La Wareegay Amaanka Degmada Mahadaay,Kadib Ka Bixitaankii Ciidamada Dowladda

0
590

Warar Idaacada RadioCadaado ay ka heleyso Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay ku waramayaan in halkaasi ay la wareegay Ciidamada dowladda Burundi ee qeybta ka ah howlaga AMISOM,kadib markii ay ka soo baxeen Ciidamadii dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Burundi ayaa waxaa la sheegay in markii hore ay Saldhigyo ku lahaayeen meel ka baxsan degmada Mahadaay,isla markaana haatan ay la wareegeen gacanta ku heynta degmadaas.

Qof kamid dadka deegaanka oo la soo xiriiray Dalsan ayaa u sheegay in Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Burundi lagu arkayo Xaafadaha Magaalada,iyagoona soo galay kadib markii saakay ay halkaas isaga soo baxeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.