Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare oo digniin ka soo saaray dagaalka degmada CadaleXildhibaano ka tirsan Aqalka Sare oo digniin ka soo saaray dagaalka degmada CadaleXildhibaano ka tirsan Aqalka Sare oo digniin ka soo saaray dagaalka degmada CadaleXildhibaano ka tirsan Aqalka Sare oo digniin ka soo saaray dagaalka degmada CadaleXildhibaano ka tirsan Aqalka Sare oo digniin ka soo saaray dagaalka degmada CadaleXildhibaano ka tirsan Aqalka Sare oo digniin ka soo saaray dagaalka degmada Cadale

0
614

Waxaa isasoo taraya baaqyada kala duwan ee loo jeedinayo maleeshiyo beeleedka ku dagaalamaya Tuulada buurdheere oo hoostagta degmada Cadale  ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Senator  Muuse Suudi Yalaxow Senator Prof. Cismaan Maxamuud iyo Senator Naciimo Ibraahim Yuusuf ayaa Maana waxaa ay siwadajir ah uga hadleen dagaal beeleedka Khasaaraha geystay ee ka dhacay tuulooyin hoostaga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Shir Jaraa’id ay ku qabteen Magalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku baaqeen in si deg deg ah loo joojiyo dagaalkaas,isla markaana wax walba lagu xaliyo wadahadal iyo dib u heshiisiin.

Waxa ay wax laga xumaado ku tilmaameen dagaal beeleedyada xilligaan kasoo cusboonaaday tuulooyin hoostaga degmada Cadale,kuwaas oo ah kuwa soo laab laabtay,waxaana ay sheegeen in sil qaldan loo maray xalinta dagaal beeleedyadaas.

Si kastaba dagaal beeleedka ka dhacay tuulada Buurdheere oo hoostaga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 10 ruux halka ku dhawaad 20 ay ku dhaawacmeen.