Mas’uul ka tirsanaa Xukuumadda Muuse Biixi oo is casilay

0
593

Waxaa ku dhawaaqay in uu xilkii iska casilay Agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Dr. Cismaan Xuseen Warsame,isaga oo warqada is casilaada u gudbiyey Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

In kastoo uusan faah faahin ka bixin sababta uu isku casilay ayaa warar la helayo waxa ay sheegayaan in xaalad caafimaad ay soo wajahday uguna ambabaxayo dalka dibadiisa,isla markaana warqada is casilaada uu ka aqbalay Madaxweyne Muuse Biixi.

Agaasimaha is casilay ayaa la sheegay in maalmaha soo socda uu xaalad caafimaad darteed uu ugu ambabaxayo dalka dibadiisa, hayee uu xilkaasi baneeyey.

Horay ayaa sidaan oo kale waxaa warqad is casilaad ah Madaxweyne Muuse Biixi ugu gudbiyey Wasiirkii Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland Dr Xasam Ismaaciil Yuusuf, isla markaana Madaxweyne Muuse Biixi uu ka aqbalay warqada is casilaada.