Xiisad dagaal oo ka taagan Magalada laas-Caanood

0
615

Wararka naga soo gaaraya Magalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay maanta iskuhor-fadhiyaan duleedka Magaaladaas, kuwaas oo laga cabsi qabo inay dagaalamaan.

Maleeshiyaadka ayaa dad ku sugan Laas-Caanood waxa ay sheegeen inay iskuhor-fadhiyaan duleedka degmadaas meel u dhow Garoonka diyaaradaha ,isla markaana ay isku-heystaan dhul deegaankaasi ku yaalla, iyaga oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan.

Maamulka Magalada laas-Caanood ee Soomaaliland oo la hadlayay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin in labadaasi maleeshiyo beeleed ay wada dagaalamaan,isla markaana saameyn uu ku yeesho Bulshada Magalada.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Soomaaliland ay ciidamo u dirto deegaanada ay maleeshiyaadka iskuhor-fadhiyan si looga baaqsado dagaal dhexmara.

Xiisadaas dagaal ee maanta ka taagan Magaalada laas-Caanood ayaa waxaa ay kusoo adeysaa xilli weli xiisad u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland ay ka taagan tahay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.