Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sheegay in aysan jirin Waqti gaar ah oo loogu tala galay in lagu dhawaaqo Wadahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo kala duwan oo ku aadan qabashadda wadahadalka labadda dhinac,laakiin hadda aan la cayimin maalin, bil ama Sanad.
“ Way jiraan dedaalo lagu doonayo in labada dal ku wada hadlaan,laakiin ilaa hadda wakhti cayiman oo loo qorsheeyey in la wada hadlaa lama qorsheyn, lamana cayimin, Madaxweynahana Qarankuna Mudane Muuse Bixi Cabdi, wuu ka hadlay wada hadalada,wada hadaladana meeshii la doonaba ha lagu qabto ee wax tafaasiil ah oo cusub aanu ka bixinayaa ma jirto” ayuu u sheegay Wasiir Faratoon Wargeyska geeska Afrika.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa 13kii bishan dalka Imaaraadka carabta ka sheegay in wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ay 19ka bishan ka bilaaban doonnaan dalka Ghana.