Cabsi taagan degaanadii ay ka baxeen Ciidanka dowladda

0
667

Cabsi ayaa soo wajahday qaar ka mid ah dadka kunool degaanada xeebta ah ee ku teedsan  Magaalada Marko ee Caasimadda Shabeellaha Hoose ka dib markii Ciidanka dowladda Soomaaliya ay halkaasi maanta iskaga baxeen.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in ay soo galaan degaanada qaar dagaalyahanada Al-Shabaab oo halkaasi meel aan ka fogeyn ku sugan.

Degaanada Ciidanka ay ka baxeen ayaa waxaa ka mid ah degaanka Dhanaane oo ka tirsan Gobolka Shabeelle Hoose, isla markaana dhaca  wadada xeebta ee isku xirta Muqdisho iyo Marka, waxaana caawa halkaasi ka taagan Cabsi.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer degaankaasi kusoo qaaday Weeraro kala duwan, waxaana xusid mudan in halkaasi lagu dilay Hoggaanka Taliska qeybta 12-ka April  muddo saddex bil gudahood waxaa lagu  dilay Taliye, Abaanduule iyo Saraakiil kale, kaddib qaraxyo miino lala beegsaday gaari ay la socdeen agagaarka Degaanka Dhanaane.