Wasaaradda Cadaaladda,Garsoorka iyo arrimaha Diinta Jubbaland ayaa kulan xog wareysi ah la qaadatay qaar ka mid ah Culumaa`udiinka ku dhaqan Jubbaland gaar ahaan magaalada Kismaayo
Intii uu socdey Kulanka ayaa looga hadlay sidii Culumaa`udiinka iyo Wasaaraddu isaga kaashan lahaayeen wacyi galinta la xiriirta Arrimaha Diinta iyo Acmaasha Xajka.
Qaar ka mid ah Culumaa`udiinka kulanka ka qayb galay oo goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay dadaalada si dhex galka ah ee ay waddo Wasaaradda Cadaaladda,Garsoorka iyo Arrimaha Diinta.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda,Garsoorka iyo arrimaha Diinta Jubbaland Maxamed Sheekh Yuusuf Cumar oo kulanka hadal dheer ka jeediyey ayaa Sheegay inay si dhow u wada shaqayn doonaan Wasaaradda iyo Culimada Jubbaland.