Madaxweyne ku-xigeenka Puntand Axmed Cilmi Cismaan ([Karaash) ayaa Maanta oo Arbaco ah la kulmay wafdi ka Socda hay’adda Samafalka Boqor salmaan, kadib abaaro baahsan oo ka bilaawday deegaanada Puntland.
Ilaa 8 Wasaaradooda oo qeyb ka ah Guddi uu Madaxweyne Deni u Magacaabay abaaraha ayaa waxaa ay kala hadleen wafdiga ka hortagga Abaaraha iyo sidii Hay’adaas ay gacan uga geysan laheyd gurmadka loo sameynayo dadka ay abaartu saameysay.
Wasiirka Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo kulanka ka warbixiyey ayaa sheegay in Guddiga uu hor kacayay Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo hay’adda Samafalka Boqor salmaan ay islagarteen ka hortaga abaarta ka bilaabatay deegaanada Puntland.