Ciidamo Booliis ah oo lagu kordhiyay Saldhigyada degmooyinka G/Banaadir

0
734

Guddoomiyaha Gobalka banaadir iyo Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa Ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan booliska Soomaaliya  waxaa ay geeyeen qaar ka mid ah degmooyinka Gobalka Banaadir, kadib markii maalmihii ugu dambeeyay ay kordheen dilalka iyo qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan booliska ayaa waxaa loogu tala galay in ay ka sugaan amaanka degmooyinka gobalka banaadir, islamarkaana ay ka hortagaan falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka  booliska soomaaliya Bashir Cabdi Maxamed Ameeriko oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan ay dalbadeen ciidamo boolis,kuwaasi oo loogu tala galay in ay wax ka qabtaan falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay taliyaha in hada ay heleen ciidamo badan oo boolis ah, islamarkaana maalmaha soo aadan ay wax badan ka qaban doonaan amaanka Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir  Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo dhankiisa la hadlay Saxaafadda ayaa waxaa uu sheegay in maalmihii ugu danbeeyay ee la  soo dhaafay muqdisho aysan ka dhicin dhibaato weyn oo la taabankaro, xilli la ogyahay in maalmo ka hor magaalada Muqdisho lagu dilay Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoona ay xusid mudan tahay in shalay duleedka magaalada Muqdisho lagu qarxiyay ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka banaadir ayaa waxaa uu digniin u diray guddoomiyaasha dagmooyinka iyo taliyaasha gobolka banaadir, waxaa uuna  sheegay inan la  aqbali doonin in Masuuliyiinta degmooyinka  inta ay qol is ku xiraan, islamarkaana xaalada degmooyinka ay isku wareystaan, taasina ay aan macquul aheyn.

Hadalkan ka soo baxay  Guddoomiyaha gobolka banaadir iyo taliyaha ciidanka booliska ayaa waxaa uu ku beegmayaa xilli labadii maalin ee ugu danbaysay ay Muqdisho ka dhaceen dilal iyo qaraxyo, waxaana inta badan masuuliyadooda dusha u ritay Al-Shabaab.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.