Maamulka Deegaanka Lafoole Oo Looga Yeeray Xarunta CID-Da Iyo Sababta

0
867

Warar lagu kalsoonaan karo oo heshay Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maamulka deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose looga yeeray Xarunta Hay’adda Dembi-baarista ee CID-da.

Sababta looga  yeeray maamulka deegaanka Lafoole Xarunta CID-da ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay si Su’aallo looga weeydiiyo dadkii Maanta lagu laayay halkaasi iyo cidii geysay goobta uu falka ka dhacay.

Amarka loogu yeeray Guddoomiyaha deegaanka Lafoole,kuxigeenadiisa iyo dhammaan Taliyeyaasha deegaankaas ayaa waxaa bixiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,iyagoona Su’aallo lagu weeydiinayo Xarunta CID-da,kuwaasi oo la xiriira falkii Maanta ka dhacay deegaanka Lafoole.

Deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa Maanta waxaa lagu laayay 10 ruux oo ahaa dad shacab ah una badan Haweeyn,kuwaasi oo howlo nadaafadeed ka sameenayay wadada u dhexeeysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan dhinaca deegaanka Lafoole.

Dadkaasi sida la sheegay ayaa waxaa dilay rag hubeysan,isla markaana maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose waxa uu ku eedeeyay dhacdadaasi inay ka dambeeyeen Al-shabaab.