Warbixin uu siiyay Taliyaha Ururka 60-aad Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa lagu sheegay in Saddex Sarkaal ay u xiran yihiin tacaddiyadii loo geystay wariyeyaal Soomaaliyeed.
Falkaan ayaa dhacay 18kii Bishaan, waxaana baraha bulshadda qabsaday dhibaatadda loo geystay labo Wariye xilli ay dad Shacab ah oo wax ka duubaayeen Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.
Tiradda Saraakiisha la xiray ayaa lagu sheegay in ay yihiin Saddex, kuwaasoo ka dambeeyay dhibaatadda soo gaartay Wariyeyaal oo gacmaha iyo lugaha laga xiray ka dibna la dhigay meel Qorax ah.
Saddexdan Sarkaal ayaa haatan ku jira Gacanta Laanta Dembi Baarista ee Booliiska Soomaaliyeed.